Galmudug Oo Laga Xusay Maalinta Shaqaalaha Aduunk — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Galmudug Oo Laga Xusay Maalinta Shaqaalaha Aduunk

Xiriirka Ururada Shaqaalaha Dowlad-Goboleedka Galmudug (XUSDAG) ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudugba ugu hambalyay 1 May Maalinta Shaqaalaha Aduunka.

Xoghayaha Guud ee XUSDAG Mudane Hassanweli Sheik Abubakar ayaa la wadaagay shaqaalaha Aduunka, Soomaaliya iyo kuwa Galmudug maalintan qiimaha leh, waxana uu ku booriyay in Shaqaalaha Galmudug ay ku biiraan Ururka XUSDAG iyo Ururada kale.

“Qofkasta waxa uu xaq u lee yahay in uu sameysto Urur ama ku biiro Urur Madax banaan, xuguuqdaas Dastuurka DFS ayaa nasiinaya.

“Xiriirka Ururada Shaqaalaha Dowlad-Goboleedka Galmudug waa urur madax banaan oo u dooda Xuquuq shaqaalaha iyo horumarintooda. Waxaan cidkasta ku soo dhaweyneynaa in uu xubin ka noqdo Ururkan”.

Shaqaalaha kala duwan ee ku nool deegaanada Galmudug waxaa ku xeeran daruufo kala duwan, sidaasi oo ay tahayna maanta waxa ay xuseen maalintan weyn.

Hassanweli Sheik Abubakar

Xoghaya Guud ee XUSDAG

Fegstu17@gmail.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!