Galmudug oo ku dhawaaqday Guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Galmudug oo ku dhawaaqday Guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab

Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa deegaanno hoos-taga degmada Hobyo ayaa gaaray difaacyada hore ee ciidamada amniga Galmudug ay ku jiraan ee aagga Bacaadweyn iyo Cimaamad.

“Ciidamada qalabka sida ee isugu jira mileteriga Qeybta 21-aad, Nabadsugida iyo Daraawiishta Galmudug ayaa heegan culus ugu jira difaaca dalka, diinta iyo diinta oo ay Al-shabaab weerar ku yihiin.” Ayaa lagu yiri Qoraal  kasoo baxay Wasaaradda amniga.

Wasiirka amniga iyo mas’uuliyiinta kale ee socdaalkiisa ku wehlisa oo maalmihii la soo dhaafay ka waday deeganadaas abaabul is-difaac iyo in deegaanada Galmudug laga xoreeyo Al-shabaab

Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa Ciidamada kula dardaarmay in dagaalamayaasha Al-shabaab ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug, isagoo ku dhawaaqay dagaal.

Dadka ku dhaqan degmooyinka Bacaadweyn iyo Wisil ee Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa si weyn u soo dhoweeyey ciidamada amniga ee soo gaaray deegaanadaas iyo madaxda la socota ee Galmudug.

Al-shabaab iyo dadka deegaanka Bacaadweyn ayaa waxaa maalmo kahor dhexmaray dagaal xoogan oo geystay khasaaro, iyagoona horey dhowr jeer u dagaalamay, waxaana xusid mudan in Shabaabka burburiyeen Ceel biyood ku yaallay degaan hoostega Bacaadweyn.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.