Galmudug oo ka warbixisay dagaal maanta mar kale ka bilowday Gaalkacyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Galmudug oo ka warbixisay dagaal maanta mar kale ka bilowday Gaalkacyo

Gaalkacyo ( Mareeg)-Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dagaal maanta mar kale dib uga qarxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Taardhuleed ayaa tibaaxay  in xilli ay ku guda jireen in meelihii lagu dagaalamay ay ka soo qaadaan Ciidamadooda si ay u dhaqan geliyaan qodobadii shalay maamullada Puntland iyo Galmudug ay ku heshiiyeen weerar ay ku soo qaadeen Ciidamada Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Mr Cismaan Ciise Nuur ayaa intaas sii raaciyay in  Magaalada Gaalkacyo Nabad laga diiday oo ay noqoneyso Goob dagaal sida uu yiri.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Taardhuleed ayaa sheegay in dhinacooda lagu soo asqeeyay Madaafiic ka soo dhaceysa waqooyiga Gaalkacyo oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Ciidamada Maamulka Puntland.

Ma jiro dhinaca Puntland weli wax  war ah ee ay ka soo saareen dagaalka maanta dib uga biilowday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Shalay ayey ahayd markii Heshiis ay Goob Joog ahaayeen Masuuliyiin uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ay labada dhinac Puntland iyo Galmudug ay ku gaareen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More