Galmudug oo gacanta ku dhigtay Dagaalyahaano ka tirsan Shabaabkii oo kasoo Dagaalamy Puntland

Read Time:43 Second

Wararka ka imaanaya Saraakiisha maamulka Galmudug ayaa sheegaya in howlgal ay Ciidamada maamulka ka sameeyen deegaanada ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, ay kusoo qabqabteen Dagaalyahaano la sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxda Alshabaab.

Howlgalka ay Ciidamada ka sameeyen deegaanadaasi hoostaga maamulka, ayaa waxaa lagu soo qabqabtay dagaalyahaano gaaraya ilaa 30 kuwaasi oo la sheegay inay yihiin kuwii ka dagaalamaayay deegaanada Puntland gaar ahaan kuwa hoostaga Gobolka Nugaal.

Saraakiil ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in labo ka mid ah 30-ruux ay qabteen ay ahaayeen Haween, waxaana qaarkood lagu soo qabtay hub fudud.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Galmudug ay ku baxeen dagaalyahano kale oo Ururka Al Shabaab ka tirsan, islamarkaana lagu arkay deegaanka Af Barwaaqo.

Puntland ayaa shalay sheegtay in Al-shabaabkii ay kula dagaalantay Garacad ay u firxadeen Dhanka Galmudug, Galmudugna wali kama hadlin ,walow ay Ciidamo u dirtay halkaa.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %