Galmudug oo gacanta ku dhigeen Gaari laga soo dhacay Wasiir ka tirsan Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Galmudug oo gacanta ku dhigeen Gaari laga soo dhacay Wasiir ka tirsan Puntland

Gaalkacyo ( Mareeg)-Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay Gaari ay lahayd Wasiir ku xigeenka Haweenka Puntland oo Kooxo Burcad ah ay soo qafaasheen.

Wararka ayaa sheegaya in Gaarigaasi iyo Raggii Burcada ahaa ee soo dhacayba gacanta ay ku dhigeen Ciidamada Ammaanka Galmudug.

Tani ayaa sii xoojineyso wada shaqeynta iyo Xiriirka Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dhawaan ayey ahayd markii Maxaabiis ay isweedaarsadeen labadaasi Maamul oo ku aadan dad falal dambiyeedyo ka soo geystay labada Maamul deegaanno ka kala tirsan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More