Galgaduud: Qiimaha biyaha oo cirka isku shareeray deegaano hoosyimaada Guriceel * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Galgaduud: Qiimaha biyaha oo cirka isku shareeray deegaano hoosyimaada Guriceel

Guriceel – Mareeg.com: Deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa inay fuustada biyaha gaartay lacag dhan 350 kun oo shilin Soomaali ah oo dhiganta $17.5, taas oo ka dhalatay biyo la’aan ka jirta gobolkaas.

Deegaannada ay biyo la’aanta ka jirto waxaa ka mid ah Labi bagaase, Gumburo, Balli Xuddumey, Dhagaxnuur, Balli-dhiig iyo kuwo kale oo 100 ilaa 130 km u jira deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ammaanka ee deegaanka Guriceel, Muuse Macallin Maxamed ayaa sheegay in dadka ku nool deegaannadaas aanay awood u lahayn inay iibsadaan biyo.

Wuxuu tilmaamay in deegaannadaas oo ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ah ay marteen barkado keyd ahaa oo laga cabbi jiray, iyadoo uusan weli ka curan roobka xilliga gu’ga ee sannadkan.

Muuse Macallin Maxamed ayaa ka codsaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, hay’adaha samafalka iyo Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa inay gargaar biyo ah gaarsiiyaan dadka iyo xoolaha ku nool deegaannadaas.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!