Galeyr oo gole wasiiro uga soo dhawaaqay keymaha xadka Itoobiya & Soomaaliya

Read Time:54 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr, islamarkaana ku sugan tuulo ku taalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo magacaabay 8 ka mid ah Golaha Wasiirada maamulkaas.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Galeyr ayaa lagu magacaabay 7 wasiir iyo 1 wasiiru-dowle oo ka tirsanaan doona golaha cusub ee wasiirrada maamulkaas.

Xubnaha uu soo magacaabay Dr. Galeyr oo qaarkood xilal kazoo qabteen maamulka Somaliland ayaa kala ah:

  1. Maxamed Cali Cartan, Wasiirka arrimaha dastuurka iyo federaalka,
  2. Mukhtaar Ciise Faarax, wasiirka macdanta iyo biyaha,
  3. Xasan Muuse Cawl, wasiirka maaliyadda,
  4. Axmed Gacmo Yare, wasiirka warfaafinta,
  5. Kayse Cabdi Yusuuf, wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta,
  6. Faarax Cadde Faarax, wasiirka arrrimaha bulshada,
  7. Ismaaciil Axmed Cali, wasiirka amniga,
  8. Ibraahim Guure, wasiiru-dowlaha wasaaradda xannaanada xoolaha.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Prof, Cali Khaliif Gallayr oo madaxweynaha maamulkaaas loo doortay 14-kii August ee sannadkan ayaa ku howlan dhammaystirka hay’adaha maamulka.

Prof Galaydh ayaa Ilaa iminka aan lahayn deegaan rasmi ah oo maamulkiisi ka taliyo iyadoo tuulada Saax-dheer oo mudaba u ahayd fadhiisin ay ka ceyriyeen ciidanka Somaliland.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.