Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Khaatumo State, Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ay ka heshiiyeen ismaandhaaf horay usoo kala dhexgalay.
Dr. Galeyr oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay isku afgarteen wax dhaqaya Khaatumo sida uu yiri.
“Sida dadka siyaasadda la socda ogyihiim aniga iyo madaxweynaha waan is khilaafnay, arrimo siyaasadeed ayaana isku qabanay, waana ka heshiinay oo waxaan ku heshiinay wax Khaatumo dhaqaya” ayuu Cali Khaliif Galeyr oo u warramay BBC.
Galeyr ayaa sheegay in reer Khaatumo aysan aheyn dad lagu soo hanuuninayo midnimada Soomaaliya, sidaas darteedna loo garaabay sida uu hadalka u dhigay.
Cali Khaliif Galeyr ayaa horay u jeediyey hadal uu ku sheegay in haddii Muqdisho wax ku gaaraan ay mas’uul ka yihiin qaar ka mid ah madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya, uuna arrintaas u gudbiyey dalka uu dhalashada ka heysto ee Mareykanka.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.