Gabdho Soomaali oo ka tegay Australia oo ku biiray ISIS * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gabdho Soomaali oo ka tegay Australia oo ku biiray ISIS

Mareg.com: Labo gabdhood oo Soomaali ah oo ku noolaa dalka Australia ayaa ku biiray kooxda ISIS ee Ciraaq iyo Suuriya, sidaas waxaa lagu qoray wargeys kasoo baxa Australia.

Wargeyska ayaa sheegay in gabdhahaasi ay ka tageen magaalada Sydney ee dalka Australia ayna ku biireen kooxda Daacish, si ay kaga barbar dagaalamaan kooxdaasi.

Da’da labada gabdhood ayaa lagu kala sheegay 18 ilaa 25 sano jir, waxayna qeyb ka noqonayaan gabdho Soomaaliyeed oo ku biiray Daacish (ISIS) ee ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Wariye ku sugan magaalada Sydney ayaa u sheegay VOA in dadkaasi ay ka mid noqdeen dhalinyaro Soomaaliyeed ee ka tagay dalkaasi, kuwaasi oo ku biiray Islaamiga ee ISIS.

Horay ayaa gabdho iyo wiilal Soomaaliyeed oo ka tegay dalalka galbeedka waxey ugu biiraan dowladda ISlaamiga ah ee uu hogaamiyo Abubakar Al-baqdaadi.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.