Gabdho Somali Kenyan oo shaaciyey iney ku biireen Khalaafada Islaamiga ah

Read Time:54 Second

Mareeg.com: Warbaahinta gudaha Kenya ayaa maanta qoray in labo gabdhood oo Somali-Kenyan ah ku biireen kooxda Khalaafada Islaamiga ee dalka Suuriya, iyagoo arrintaas kusoo wargeliyey qoysaskooda.

Waxaa la sheegay in gabdhahani ahaayeen 20 jirro, iyadoo magacayadooda lagu kala sheegay Salwa Abdalla iyo Tawfiqa Dahir oo deganaa xaafadda South C Estate ee magaalada Nairobi.

Tawfiqa ayaa dhiganeysay Jaamacada Nairobi, halka Salwa ay sanadkii labaad dhiganeysay Jaamacadda Kenyatta University.

Gabdhahan oo tan iyo yaraantoodii ahaa saaxiibo ayaa la waayey arbacadii hore, waxaana wixii waqtigaas ka dambeeyey raadinayey qoysaskooda.

Axaddii lasoo dhaafay ayay gabdhahaani war aysan qoysaskoodu ku farxin soo direen, waxeyna soo sheegeen iney ku sugan nyihiin dalka Suuriya, iyagoo ka xadka uu la wadaago Turkiga.

Towfiq Dahir oo aaladda Telegram-ka kula soo xiriirtay qoyskeed ayaa u sheegtay iney gaareen waddana Suuriya, ayna ku biireen Khalaafada Islaamiga ah.

Walidiinta dhalay labadan gabdhood ayaa sheegay in ilamhoodu ahaayeen kuwa asluub badan oo aan laheyn saaxiib faradan.

Haddii arrintaan sax u noqoto sida loo sheegay, waxey  noqoneysaa tii ugu horreysay ee gabdho Kenyan ah ugu biiraan Khalaafada Islaamiga ah ama Daacish.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %