Gabdho iyo carruur loo weday Sacuudiga oo lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Gabdho qaan-gaar bilow ah iyo carruur ka koobnaa 17 oo dhawaan maamulka Ximan iyo Xeeb ku qabtay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, si aan sharci aheynna loogu weday Sacuudiga ayaa lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya.

Gabdhaha iyo carruurtan oo tiradoodu tahay ilaa 17 oo qaarkood da’doodu u dhexeyso 4 ilaa 10 sano jir ayaa lagu wareejiyey wasaaradda haweenka & xuquuql Insaanka Soomaaliya.

Khadiija Maxamed Diiriye oo ah wasiirka arrimaha haweenka xuquuqda aadanaha Soomaaliya ayaa sheegtay in la baarayo sababta gabdhahan iyo carrurtaan loogu weday Sacuudi Carabiya.

“Sababta ka dambeysay in carruurtaan la dhoofiyo iyo ciddii masuulka ka ahayd baaritaan kaddib ayaan sheegi doonaa, waana u mahad celinayaa dhammaan dadkii hor-istaagay in carruurtaan la tahriibiyo” ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Saciid Jaamac Qorsheel ayaa sheegay in carruurtaan ay xaq u leeyihiin in loo celiyo waalidkood si ay ula noolaadaan hase yeeshee ay lagama maarmaan tahay inaysan dhicin in mar labaad la dhoofiyo.

Lama sheegin halka ay ku dambeeyaan dadkii weday gabdhahan, kuwaasoo ku dooday in carruurta ay wadeen waalidiintoodu ku sugan yihiin Sacuudiga, ayna doonayeen iney u geeyaan.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayey in gabdhah iyo carrurtaan oo laga keenay gobolka Shabeellaha Hoose marka la geeyo Sacuudiga la iibiyo.

14-kii bishan May ayaa maamulka Ximan iyo Xeeb waxey degmada Cadaado ku qabteen gaari bas ah oo siday gabdhahan iyo hal wiil, waxaana muddo lagu hayey halkaas.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245