Gabdhaha Saxafiyiinta Muqdisho Oo Beeniyay Hadal Sheegaya in Xadgudub Lagula kaco
muqdisho ( Mareeg News ) koox suxufiyiin gabdha ah ayaa sheegay ineey baaritaan ka sameeyeen qeeybo badan oo kamid ah soomaaliya Baritaanka ee sameeyeen ayeey ku sheegeen in ay ku ogaadeen xadgudub lagu sameeyo saxafiyiinta gabdhaha ah markeey shaqada soo galayaan iyo ineey shaqada ku joogaan jirkooda.
hadalkaan ayaa lagu baahiyay Barta BBC Somali.
Gabdha badan oo wariyaal ah oo arinkaan aad uga xumaaday ayaa beeniyay waxeeyna ka dalbadeen kooxdii arinkaan sheegtay ineey cadeeyn la yimaadaan hadii mid kood lagu xadgudbayna ay u sheegaan si ay ugu soo dhiciyaan xaqiisa.
Arinkan oo inta badan wariyaashu hadal hayaan ayaa u muuqda mashruuc lagu xumeeynaayo sumcada gabdhaha warfaafinta ka shaqeeya.
Comments are closed.