Gabartii ugu horreysay ee Somali ah oo ka mid noqotay booliska Mareykanka (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gabartii ugu horreysay ee Somali ah oo ka mid noqotay booliska Mareykanka (Sawirro)

Mareeg.com: Gabadhii ugu horeysay ee Somali ah ayaa shalay si rasmi ah loo siiyay kaarka Booliska gobolka Minnessota dalkan Mareykanka, iyadoo ka mid noqoneysa 7 qof oo Somali ah boolis ah oo gobolka ka howlgala.

Khadra  Maxamed, oo 22 jir ah ayaa waxaa bishii March ee sanadkan shaqaaleysiiyay, qeybta booliska ee Magaalada  St. Paul ee gobolkaasi, laakiin haatan ayey si rasmi ah ugu biir​tay, qeybta booliska ee Metro-transit Police loo yaqaan oo ka howgalaya magaalooyinka mataanaha ee St. paul iyo Minneapolis oo ay ku noolyihiin Somalida ugu badan Mareykanka.

Khadra oo wareysi siisay VOA ayaa sheegtay in loo ogolaaday inay shaqadeeda gudato iyadoo weliba xiran xijaabka.

Waxaana arintan ay ku soo beegmeysaa,  iyadoo dhawaan Ismahan Isse, oo ah gabar Somaliyeed oo 29 sana jir ah oo ka soo baxday akaemiyada booliska  magaalada Kolombus ee gobolka Ohaio ay isaga hartay damaceedii ahaa inay boolis noqoto, iyadoo u sababeysay in siyaasadaha booliska gobolka aaney ogoleyn in xijaab ay ku shaqeyso.

somali boolis (1)somali boolis (2)somali boolis (3)somali boolis (4)

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!