
Muqdisho ( mareeg news ) Gabar Wariye aheyd oo ka tirsan Warbaahinta dowladda ayaa maanta duhurkii lagu dhaawacay magaalada Muqdisho
Falkan ayaa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Dabka, waxaana gabadha la dhaawacay lagu magacaabayay Farxiyo Mire.
Wararka ayaa sheegaya in gabadha ay labo xabadood kaga dhacday caloosha iyo lugta, waxaa la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in falka toogashada uu u muuqday mid ka dhashay muran dhex maray gabadha iyo ninka toogtay.
Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninkii ka dambeeyay toogashada gabadha wariyaha aheyd.