Gabar qoorta laga qalay oo meydkeeda laga helay Muqdisho

Read Time:48 Second

Mareeg.com: Meydka gabar da’adeeda lagu qiyaasay 15-20-jir oo la gowracay ayaa maanta laga helay Xaafada Juungal, gaar ahaan agagaarka Labaajada Mahadalle ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal qaaday medyka gabadha ayaa u sheegay Radio KNN ee Muqdisho in gabadha laga qalay qoorta, kadibna lagu dhax tuuray god qashinka lagu shubo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in falkan ay ku keceen qoys ay gabadha dhimatay ay Jaariyad u aheyd, iyadoo usoo doonatay lacag ay ku laheyd inkastoo aan warkaasi xaqiiqdiisa la heynin.

“Xaafadda Juungal, gaar ahaan meel ku dhow labaajada Mahadalle, waxaan maanta ku aragnay gabar goorta laga gowracay oo goob qashin lagu riday” ayuu yiri goobjooge magaciisa qariyey.

Lama oga cidda dishay gabadhan, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay iney falkaas ku wargeliyeen ciidamada booliska degmada Yaakhshiid.

Saddex maalmood ka hor, haweeney ayaa gabadheeda ku dishay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, kadib markii ay ka maarey weysay nin horay u qabay oo dhowr jeer furay.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.