Gabar Macallimad U Dhalatay Ugand Oo Lagu Dilay Muqdisho

Read Time:42 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Gabar macalimad oo u dhalatay dalka Uganda, islamarkaana maadada dhaqaalaha ka dhigi jirtay Jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa shalay galab lagu dulay Muqdisho.

Dilka macallimada waxaa geystay koox bastooladu ku hebsyan, kuwaaso sida la sheegay kala dega gaari, kadib markii ay kazoo baxday Jaamacadda Soomaaliya faraceeda Baar Ubax.

Macalimada ayaa la sheegay inay xijaabnaan jirtay, ayna laheyd ilaalo u gaar ah, hase ahaatee lama oga iney ilaalo wadatay markii dilku dhacayey iyo inkale, waxaa lagu magacaabi jiray Leyla sida ay inoo xaqiijiyeen Maamulka Jaamacada.

Meydka Macalimada ayaa maanta lagu wadaa in loo dhoofiyo Magaalada Kampala ee dalka Uganda, iyadoo saaka la geeyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dhowaan ayay aheyd markii haweeney u dhalatay dalka Sweden lagu dhaawacay nawaaxiga Isgoyska KM4, kadib markii ay kazoo baxday Jaamacadda Soomaaliya, waxaana la dila labo wiil Soomaali ah oo la socday.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %