Gabar ceego lagu dilay oo laga helay degmada Hiliwaa

Mareeg.com: Waxaa xalay xaafad ka mid ah degmada Hiliwaa lasoo dhigay meydka gabar da’ yar, taasoo calaamadaha ka muuqday ay muujinayeen in ceego lagu dilay.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in meydka gabadhaas uu xaafadda Howl-wadaag gaari aan la aqoonsan.

Sida dadka deegaanku sheegeen, gabadha ayaa quurta laga ceejiyey, taasoo keentay in indhaheedu banaanka u soo baxaan.

Meydka gabadhaan ayaa la geeyey saldhiga booliska degmada Hiliwaa, iyadoo la raadinayo qoyskeeda.

Falalka dilka ah ee naxdinta ayaa kusoo kordhaya magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan aan la ogaan dadka falalkaas ku kaca.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245