Gabar si fool xun Loogu dilay Magalaada Qabridahar — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gabar si fool xun Loogu dilay Magalaada Qabridahar

Jigjiga ( Mareeg News ) Wararka laga helayo dowlad deegaanka Somalida Itoobiya gaar ahaan magaalada Qabridahar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada loo yaqaan Liyuu Boolis ay halkaasi dil fool xun ugu geysteen gabar kamid ahayd dadka kunool magaaladaasi.

Allaha u naxariistee gabadha oo lagu magacaabi jiray Taysiir Food Cumar Maxamed Salal, ayaa la sheegay in ciidamada Liyuu Booliis ay u dileen qaab naxdin leh kadib markii ay ceejiyeen iyadoona lasoo wariyay inay isla goobta ay ku ceejiyeen ay ku geeriyootay.

Cabdirashiid Cali oo walaal la ah marxuumadda ayaa xaqiijiyay dilka walaashiis marxuumad  Taysiir Food Cumar Maxamed Salal.

Lama oga sababta ka dambeysa inay ciidamada Liyuu boolis qaabkaas arxan darrada ah u dilaan gabadhaasi,waxana dilka si weyn uga argagaxay shacabka kunool magaalada Qabridahar ee dowlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Ciidamada Liyuu Booliis ayaa xadgudubyo ka baxsan bini’aadminimada ka geysta qaar kamid ah gobollada dalka iyadoona aysan jirin cid wax ka qabata dhibaatooyinka foosha xun ee ay ciidamadaas u geystaan dadka aanan waxba galabsan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!