Gabar aabaheed dishay oo lagu xiray xarrunta CID ee Hargeysa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gabar aabaheed dishay oo lagu xiray xarrunta CID ee Hargeysa

Mareeg.com: Gudoomiyaha degmada Daarasalaam ee waqooyiga Hargeysa Maxamed Axmed Kibaar, ayaa sheegay in fal fool xun ka dhacay degaanka Geed-deeble ee duleedka Hargeysa, halkaasi oo gabari ku dishay Aabaheed.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisu yahay Cabdile Xagaa, waxaana Maydkiisa la geeyey Isbitaalka Hargeysa, iyadoo gabadha dishayna lagu soo xiray Xarunta CID-da. falka ayaa dhacay saqdii dhexe ee habeenimadii Salaasadu soo galaysay.

“Falku wxuu dhacay saqdii dhexe, waxaanay Hooyada gabadha dhashay noo sheegtay in Aabuhu yara canaantay gabadha ka dibna ay saqdii dhexe hooyadu ku war heshay dagaalka ay inantu aabaheed ku qaaday, waxaanay dilka u adeegsatay Mindi iyo agab kale” ayuu yiri Gudoomiyaha Daarasalaam oo la hadlay wargeyska Geeska Africa.

Mr Kibaar waxa uu sheegay in gabadha ay soo qabteen ka dib markii ay baxsatay, isagoo dhanka kale xusay iney wararka ay ku heleen in Marxuumka dhintay ahaa dhul yaal uu asiibay cudurka Faaliga.

Falalka naxdinta leh ee dilka ah ayaa kusoo badanaya qeybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya, iyadoo falalkaasi walwal geliyeen bulshada.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!