Gabar 9 jir ah oo lagu kufsaday Gobalka Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gabar 9 jir ah oo lagu kufsaday Gobalka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Degmada Buulla Burde ee Gobalka Hiiran ayaa sheegaya in koox dhalin yarada ah ay gabar da’deeda lagu qiyaasay 9 sano jir ah ay ku kufsadeen gudaha degmadaasi.

Kooxda falka Kufsiga ah geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Guddoomiyaha Degmada Buulla Burde ee Gobalka Hiiraan Cabdi Casiis Duurow ayaa KNN u sheegay in falkan kufsiga uu ka dhacay Bartamaha Degmada, islamarkaana ciidamada amaanka ay ku daba jiraan kooxda falka geysatay.

Ehelada gabadha kufsiga loo geystay ayaa Maamulka Degmada Buula Burde  iyo Hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay cadaalada horkeenaan cidii ka dambeysay falka kufsiga ah.

Falalka kufsi ah ayaa Maamlmihii ugu dambeeysay ka dhacayay qaar kamid ah Gobalada Dalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!