Gabadh 9 Sano jir ah oo lagu kufsaday Beledweyne

Read Time:40 Second

Gudoomiyaha degmada Beledweyne  Maxamed Axmed Ibraahim foodcadde ayaa warbaahinta u sheegay in Saacaddihii lasoo dhaafay falal kufsi ah ay ka dhaceen Xaafaddo ka mid ah Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka la kufsaday ay ku jirto Gabadh Sagaal Sano jir ah, islamarkaana ay socdaan howlgallo lagu baadigoobaayo Kooxdii falkaasi ka dambeysay.

Magaalada Beledweyne ayuu sheegay in ay kusoo bateen rag dhibaato u geysta Haweenka Habeenkii, islamarkaana hadda ay sameynayaan Ciidamo habeenkii Magaalada Roondo ka sameeya.

Waxaa uu walaac ka muujiyay falalka kufsiga ah ee ka dhaca Magaalada Beledweyne, waxaana uu sheegay cidii lagu qabto in tilaabo adag ay ka qaadi doonaan.

Falalka kufsiga ayaa kusoo batay Soomaaliya bilihii ugu dambeeyay, waxaana jiray in Magaalooyin ka mid ah Puntland iyo Somaliland ay ka dhaceen falal kufsi ah oo badan.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.