Gaashaandhigga oo xaqiijiyay dilka hogaamiyihii Alshabaab Axmed Godane * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaashaandhigga oo xaqiijiyay dilka hogaamiyihii Alshabaab Axmed Godane

Mareeg.com-Wasiirka gaashaandhigga dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Sh. Xasan Xaamud oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday meel u dhexeysa Baraawe iyo Sablaale ayaa ku tilmaamay weerarkaasii in uu guul ku dhamaaday uuna ka mid ahaa hogaamiyihii ururka Alshabaab Axmed Godane dadkii ku dhintey weerarkaas.

“Ururka Alshabaab waa urur argagaxiso oo caalami ah dowladana waxa ay ka codsatay in laga caawiyo sidii loola dagaalami lahaa ururkaas oo dunida oo dhan halis ku ah.” Ayuu u sheegay wasiirka gaashaandhigga VOA laanteeda Afka Soomaaliga.

Wasiirka gaashaandhiga dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Sh,Xasan Xaamud oo ka hadlayay howlgalka la magac baxay Badweynta Hindiya in ay sii wadi doonaan illaa iyo inta ururka Alshabaab guud ahaan dalka Soomaaliya loogaga saarayo.

Ururka Alshabaab ayaan weli ka hadlin wararka sheegaya in la dilay hogaamiyahoodii Axmed Godane. Hase ahaatee ururka Alshabaab ayaa isaga baxay deegaano badan oo ay hore gacanta ugu hayeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!