Gaas: Waan la wareengay saldhigyadii Alshabaab ee Buuraha Galgala * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaas: Waan la wareengay saldhigyadii Alshabaab ee Buuraha Galgala

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dagaal manta ka dhacay Buuraledya Galgala ee gobolka Bari ay uga qabsadeen Alshabaab, oo halkaas ku sugna muddo dhor sano ah.

C/weli Gaas oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay Buuraleyda Galgala, wuxuuna sheegay in maanta ay ciidamada Daraawiishta Puntland la wareegeen Fariisinkii ugu weynaa ee Alshabaab ay ku lahaayeen deegaanka Galgala.

“Ciidamada Puntland waxay howl gal ka sameeyeen buuraha Galgala, waxayna la wareegeen saldhigii ugu weynaa ee cadawga ee Buuraha Galgala, hadana firxadkooda ayay ciidamada joogaan, hadii alle yiraahdo waxaa rajeyneynaa in howshaas ay si guul ah ku soo gaba gabowdo, lagana xoreeyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan”ayuu yiri Gaas.

Wuxuu Gaas wax aan weyneyn kazoo qaaday khasaaraha ciidamada Puntland kazoo gaaray dagaalkii maant, wuxuuna xusay in hal askari uu kaga dhintay dagaalk, isagoo dhanka kale tilmaamay in dib loo soo bandhigidoono khasaaraha gaaray Al-shabaab.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan Alshabaab eek u jira Galgala iney maamulka isugu soo dhiibaan muddo 30 maalmood ah.

Alshabaab ayaa kusii xoogeysanayey buuraleyda Galgala wixii ka dambeeyey sanadkii 2010, iyadoo markii hore uu hogaamin jiray Maxamed Saciid Atam oo dhawaan isu soo dhiibay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Alshabaab Galgala ayaa waxaa hadda hogaamiya nin lagu magacaabo Yaasiin Kilwa, kaasoo horay beyco ula galay hogaamiyihii la dilay Alshabaab, Sheekh Abuu Zubeyr.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!