Gaas: Sarkaal Alshabaab baxsad ah ayaan ku qabanay Garowe

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in labadii maalmood ee lasoo dhaafay ciidamada Puntland qaadeen howlgal milateri oo ka dhan ah Alshabaab.

Gaas oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in howl galadaas uu meel wanaagsan marayo, isla markaana ay ku qabqabteen tiro saraakiil mihiin ah.

“Howl galkaas meel wanaagsan ayuu marayaa, bishii October ilaa iyo hada howl galku si xoog leh ayuu uga socdaa Buuraha Galgala iyo dhulka ugu badan ee Shabaab ku sugnaayeen waa laga saaray, shalay iyo doraad howl galo ayaa ka dhacay aaggaas” ayuu yiri Dr. C/wali Gaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalmo ka hor ay magaalada Garowe ku qabteen xubin muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo uu tilmaamay in dhowaan ay u soo bandhigi doonaan saxaafada.

“Howl galkii u dambeeyay shalay iyo doraad ayuu dhacay, in badan oo ka mid ah nimankaas oo firxad ah ayaa la qabtay, qaarkoodna waa la dilay, kuwa ugu waa weynaa ee ka soo baxsaday ayaa Garowe ku qabanay, waana soo bandhigi doonaa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Maamulka Puntland ayaa dagaal kula jira Alshabaab, Faraca Puntland, kuwaasoo ku jira buuraha Galgala.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245