Gaas oo xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolka ay ku taallo xarrunta maamulka Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaas oo xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolka ay ku taallo xarrunta maamulka Puntland

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka ka qaaday gudoomihii gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab, halkaasoo ay ku taallo caasimadda maamulka Puntland ee Garowe.

Wareegto kasoo baxday 02.April.2014 Xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa gudoomiyaha gobolka Nugaal loogu magacaabay Cabdiqani Xaashi Cali oo bedelaya gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).

Gudoomiyaha xilka laga qaaday ee Qarjab ayaa xilka soo hayey mudo ka badan 6 sano.

Dhanka kale, taliyihii qaybta Booliska ee gobolka Bari Cismaan Xassan Afdalow ayaa maanta xilka ku wareejiyey Taliye cusub oo uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Munaasabada xilwareejinta ayaa ka dhacday xarunta qeybta ee magaalada Bosaaso, waxaana kasoo qaybgalay saraakiisha amamanka ee gobolka iyo bahda saxaafadda.

Waxaa ugu horeyn ka hadlay xafladda xil wareejinta Cismaan Xasan Cawke Afdalaw taliyihii hore, waxa uuna sheegay in maanta xilka si toos ah ugu wareejiyay taliyaha cusub ee loo soo magacaabay xilka.

Taliyaha cusub C/raxmaan Cali Cabaas oo ku magac dheer Muslim ayaa munaasabada xilwareejinta ka amaanay Taliyihii hore shaqada usoo qabtay mudada uu xilka hayey.

Wuxuu intaas ku daray in xilka loo dhiibay ay kusoo beegantay xilli xasaasi ah isla markaana uu wax ka qaban doono arrimaha amaanka ee gobolka Bari.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa wada qorsheyaal uu wax uga bedlayo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka, kadib markii uu xilkaas ku guuleystay 8-dii Janaayo 2014.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!