Gaas Oo Raba Inuu Iska Bareejeeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaas Oo Raba Inuu Iska Bareejeeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa raba inuu iska bareejeeyo madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo booqashadii uu manta ku yimid Mudisho horay usoo kaxeystay askar hubeysan oo si gaar ah u ilaaliya amaankiiisa.

Diyaarada siday wafdiga madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxaa la socday ciidamo si gaar ah ammaankiisa u sugayay, kuwaasoo ku hubeysnaa qoryo fudud, iyadoo arrintan ay layaab ku noqotay madaxdii soo dhoweyneysay oo aan fileyn in Gaas ciidan wato.

Madaxda soo dhaweysay Gaas oo uu hogaaminayey Raysul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa waqxaa kedis ku noqday askar kazoo yaacay diyaaradda, iyagoo sugayey in C/weli Gaas soo dego.

Ciidamada la socday Gaas ayaa markii uu garoonka kazoo degay garoonka la wareegay amaankiisa, waxeyna raaceen gaadiid dad ka warqabay usii diyaariyeen oo ah kuwa madaxda iyo ciidamadu isla raacaan.

Dadka qaar ayaa u arka in C/weli Gaas oo horay usoo noqday R/wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana ku guuldareystay doorashadii madaxtinimada ee 2012 uu doonayo inuu iska dhigo sida madaxweynaha iyo Raysul wasaaraaha Soomaaliya oo ciidamo gaar ah sii kaxeysta marka ay booqanayaan magaalooyinka dalka.

C/wqeli Gaas iyo wafdigiisa ayaa berri Muqdisho uga qeybgelaya aaska Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaak Xaajis Xuseen oo ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!