Gaas & wakiilka UNSOM oo qalbi dejin ugu tegay shaqaalaha UNICEF ee Garowe

Read Time:1 Minute, 18 Second

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-4-2015 booqday xafiisyada Hay’adaha UNICEF iyo UNSOM ee magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

IMG_7768

Ugu horeyn Madaxweyne Gaas ayaa xafiiska hay’adda UNICEF ku booqday maamulka iyo howlwadeenada hay’adda , isagoona u muujiyey dareenka uu ka qabo qaraxii dhowaan lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaalaha hay’addaasi.

Madaxweynaha ayaa dhammaan madaxda iyo howlwadeenada hay’addaasi u sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay ka go’antahay adkeynta ammaankooda , haatana meel fiican ay marayso baaritaanka dawladdu ay ku hayso weererkaii argagaxisnimo ee ka dhacay Garoowe.

IMG_7796

Mrs. Mariana Hattinge  oo ah wakiilka Hay’adda UNICEF ee Puntland ayaa cadaysay inay sii wadayaan howlaha muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabka reer Puntland, iyadoona balan qaaday inay sii laba jibaarayaan howlahaasi, wax saameyn ahna uusan ku yeelan doonin falkii foosha xumaa ee shaqaalahoodu lagu beegsaday .

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale booqday xarunta hay’adda UNSOM, waxaana uu halkaasi kula kulmay Madaxa hay’adda UNSOM ee Puntland Omar Abuudi iyo sidookale  howlwadeenada hay’addaasi si lamid ah ayuuna ugu cadeeyey in adkeynta amaankoodu dawladdu xil gaar ah iska saarayso.

Wakiilka hay’adda UNSOM ee Puntland Omar Abuudi ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimi , waxaana uu balan qaaday in shaqooyinka ay u hayaan shacabka reer Puntland sii wadi doonaan islamar’ahaantaana loo hakanayn fal argagixisnimo.

Puntland ayaa UN-ka ayaan weli wax warbixin buuxda ah kasoo saarin qarax lala beegsaday gaari ay la socdeen shaqaalaha UNICEF oo ay ku dhinteen ilaa todobo qof oo isugu jiray Soomaali iyo ajanabi.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.