Gaas oo madaxweynayaal Afrikaan shir ugala qeybgelaya Ingiriiska

Read Time:44 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal isagoo ku sii jeeda dalka Itoobiya, iyadoo la sheegay inuu socdaalkaas la xiriiro arrimo shaqo.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Garoowe ayuu ku sheegay in socdaalkiisa Addis Ababa kaddib uu u dhoofi doono dalka Ingiriiska oo uu uga qeyb gali doono shir looga hadlayo maalgashiga Afrika.

“Waxan maanta u dhoofayaa dalka Itoobiya oo aan shaqo u aadayo kabacdina waxan usii gudbayaa dalka Ingiriiska oo aan kaga qayb geli doono shir muhiim ah oo maalgelinta Afrika looga hadli doono wadamo badanina kasoo qayb geli doonaan” Madaxweynaha Puntland ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey inay Puntland sharaf u tahay in shirkaas keligeed lagu casumay iyadoo metelysa Soomaaliya oo dhan.

Shirkaas ayuu tilmaamay inay sidoo kale ka qeybgali doonaan madaxweynayaasha dalalka Uganda, Tanzania, Rwanda iyo Ghana.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.