Gaas oo maalintii labaad ku sugan Addis Ababa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaas oo maalintii labaad ku sugan Addis Ababa

Mareeg.com: Madaxwaynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii shalay ahayd gaaray magaalo madaxda dalka Ethopia ee Addis-Ababa ayaa maalintii labaad halkaas ku sugan.

Gaas waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirka caafimaadka maamulka Puntland Saadiq Eenow, Xildhibaan Siciid Lugood iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntaland.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa masuuliyiinta Dawlada Ethiopia, Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Madaxweynaha oo mudo saddex maalmood ah ku suganaan doona caasimada dalka Ethiopia ee Addis-Ababa ayaa waxaa uu sidookale la kulmi doonaa Ha’yado caalami ah iyo Ururada Samafalka ee Saldhigoodu yahay Magaalada Addis-Ababa, kuwaasi oo uu kala hadli doono harumarinta arimaha bulshada iyo sidii wax loola qaban lahaa shacabka reer Puntland.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!