Dad masaakin ah ayay u badanyihiin dad Xamalata ah ayay ahayeen Dadki Naftooda ku
wayay iyo kuwa Dhaawaca qaybtood Musharax Gaas oo Booqday Isbitaalka Bandar Qaasim
ee Magaalada Boosaso.**
Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Gelinkii Dambe ee Maanta booqday
Isbitaalka Boosaso oo ay ku suganyihiin Dadki ku dhawacmay Qaraxii arxandarada ahaa
ee ay ka dhalatay Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan.
Gaas wuxuu booqday isagoo ay wehlinayaan Dhakhatiirta iyo Maamulka Isbitaalka Qolal
kamid ah Isbitaalka oo ay jifeen Dad badan oo qaarkood Caruur iyo Haween ahaa
kuwaaso ku dhawacmay Qaraxii Malinimadii Khamiista ka dhacay Boosaso.
Musharax Gaas ayaa ka Dhagaystay Dadkii dhibanaha ahaa ee Isbitaalka jiifay
Xaladooda Cafimaad isagoo Ilaahna uga Baryay in uu Caafimad siiyo.
Maamulka Isbitaalka ayuu ka dhagaystay Xaladaha Dhawacyadii ka dhashay Qaraxii
Todobadkan ka dhacay Boosaso Dadkii Isbitaalka soo Gaaray iyo sida ay wax u qabeen
Dadkaaso u badna Birimageydo.
Musharax Gaas wuxuu kaloo u kuur galay Xaladaha Isbitaalka iyo shaqadiisi Maalinlaha
isagoo Maamulka iyo Shaqaalaha kala sheekaystay Howlaha adag ee ay Bulshada u hayan
Maamulka Dhakhatiirta iyo Kalkaaliyasha Caafimadka.
intii uu ku sugna Isbitaalka Musharax Gaas wuxuu la kulmay una Mahadceliyay Dr.
Mikko Altto oo u dhashay Dalka Finland Isla markana Muddo ku sugna Isbitaalka
Boosaso si uu u Caawiyo Shacabka Reer Puntland ee u soo Baahi Caafimad doonta
Isbitaalka.
Maamulka iyo Shaqalaha Isbitaalka ayaa Wafdigii Musharaxa ee Booqday Isbitaalka u
sheegay in Altto u Daboolay Baahiyo Cafimaad oo dhibatooyin badan laga mari jiray
kuwaaso ay Kamid yihiin Qaliinada mid kamid ah Xubabka sare ee Wadnaha.
Musharax Gaas oo Qaybaha saxafadda kula hadlay Isbitaalka Gudahiisa ayaa ugu Baaqay
Shacabka Puntland ee Gudaha iyo Dibadda ku dhaqan in ay u soo Gurmadaan Bukanada
Jiifa Isbitaalka ee Dhowaan Dhawacyo ka soo Gareen Qaraxii Boosaso.
Waxuu sheegay in uu la kulmay Dhakhatiir iyo Shaqaale Daacad ah Howl kar ah dhib
badan iyo daruufo adag ku shaqeeya iyadoo warbixin lagu siiyay in ilaa 90 Qof
shaqale gaaraya ay Isbitaalka Bandarqaasim ka shaqeyaan weyna ku Mahadsanyihiin
howsha adag ee ay hayaan ayuu yiri.
wuxuu ku dhiirageliyay Maamulka iyo Shaqalaha Isbitaalka in ay ka Faidaystaan Dr
Altto oo uu sheegay Musharaxa in uu ka soo jeedo Dal dhinacyo badan oo Cafimadka uu
kamid yahay Horumar ka sameeyey .
” Waxan soo Booqday Dhaawaci Maalintii Daraad ku dhawacmay Qaraxii Boosaso Shaqo
Fiican baa loo qabtay waa loo dadaalay Dhamanteena Marka ay dhibatadaaso kale dhacdo
waa inaan Fadhiga ka wada kacno wada gurmano in Isbitaalka Dadka jooga Keliya lagu
haleeyo ma ahan waa In la wada Gurmada oo qof kasta iyo Mushtamac ahanba waxan
awoodno oo aan tari karno aan tarno waa Muhiim, Dad masaakin ah ayay u badanyihiin
dad Xamalata ah ayay ahayeen Dadki Naftooda ku wayay iyo kuwa Dhaawaca qaybtood, in
la taageero oo gacan la siiyo Dadkii ay ka tageen Dadkii Geeriyooday ayaa iyadana
loo baahanyahay waxaa jirta in Dadkii Geeriyooday ay qaarkood Qoysas Danyar ah
Hormuud u ahayeen loona baahanyahay in Dadkii ay ka tageen xaladooda laga war qabo”
wuxuu sheegay in Caafimadka uu Muhiimad gaar ah u leeyahay Bulshada loona
baahanyahay Cafimaad wanaagsan Tayo leh Horumarsan in Bulshada ay hesho.