Gaas oo la kulmay xiriiriyha ladagaalanka dambiyada ka dhaca badaha Geeska Afrika

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay xiriiriyha barnaamijka ladagaalanka dambiyada ka dhaca badaha Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya Mr. Alan Cole iyo ku-igeenka Barnaamijka UNODC ee Soomaaliya haweenayda lagu magacaabo Francesco.

Kullankaan ayaa waxaa Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku wehliyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland.

Mudadii uu socday shirku ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayen taageeridda Puntland, socodsiinta Xabsiga Garoowe, Dhismaha Xabsiga Gaalkacyo, dhamaystirka iyo dayactirka xabsiga weyn ee Boosaaso,tababarida ciidanka Puntland iyo hagaajinta biyaha Xabsiyada Puntland.

Cabdiweli Gaas ayaa u sheegay mas’uuliyiinta in Puntland ay u baahan tahay in laga caawiyo horay u socodsiinta Xabsiga Garoowe, dhismaha xabsiga Gaalkacyo, dhamaystirka iyo dayactirka xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, tababar la siiyo ciidanka maamulka iyo in gacan laga siiyo biyaha xabsiyada.

Xigasho: Xafiiska Madaxweynaha

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245