Gaas Oo Ka Degay Muqdisho Lana Geeyey Villa Soomaaliya
Muqdisho – Mareeg.com: Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Maamul gobolleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa manta oo khamiis ah ka degay garoonka diyaaradha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wafdiga madaxweynaha maamulka Puntland hogaaminayo waxaa garoonka diyaaradaha ksuoo dhaweeyey ra’iisalwasaaraha Soomaaliya C/weli Shiikh Axmed Maxamed, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” iyo Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Wafdigan ayaa berri jimcaha ah ka qeyb gali doonaan aaska qaran ee Muqdisho loogu sameynayo marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa ra’iisalwasaarihii labaad ee Somaliya oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa la geeyey xaruunta madaxtooyada halkaas oo uu isla maanta kulamo kula yeelan doono madaxda dowladda, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan qaybta warfaafinta ee xafiiska ra’isal wasaaraha dalka.
Wasiiro, Xildhibaano, iyo Isimo ka socda Puntland ayaa madaxweyne Gaas ku weheliya safarkiisa Muqdisho.
Mareeg.com
Comments are closed.