Gaas oo Jabuuti kula kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Read Time:1 Minute, 10 Second

Jabuuti – Mareeg.com: Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo booqasho ku jooga magalada Jabuuti ayaa la kulmay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisulwasaraha dalkaasi C/qaadir Kaamil Maxamed.

Kulanka uu Gaas la qaatay madaxda Jabuuti ayaa looga hadlay arrimaha maamulka Puntland iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac.

Gaas oo kulanka hore la qaatay Madaxwayne Ismaacil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay garab istaaga dowladda Jabuuti u muujisay shacabka Soomaaliyeed, ayna muhiim tahay sidii dalka hormarkiisa iyo ammaankiisa looga wada shaqayn lahaa.

“Waxaan idinka mahadcelinayaa sida wanaagsan ee dersnimada iyo walaaltinimadu ku dheehan tahay ee aad noo casunteen, dhankayagga waxaanu mar kasta kor u qaadi doonaa xiriirka inaga dhexeeya, Puntland waxay ku haminaysaa in horumar wanaagsan la gaaro, amaankana la adkeeyo, dalalka gobolka ku yaalanna sidaas ayey u diyaarsan yihiin” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu xoojin doono xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya iyo dhanka ganacsiga.

“Waxaan idiku soo dhowaynaynaa dalkiina labaad ee DJibuuti, waxaana ku faraxsanahay inaan idin casuno bacdamaa uu jiro xiriir wanaagsan oo Puntland iyo Djibuuti ka dhexeeya, waxaan kaloo soo dhowaynaynaa is bedelka dhanka siyaasadda ee Puntland ka dhashay bilihii la soo dhaafay” ayuu yiri Madaxweyne Geele.

Sidoo kale, madaxwaynaha Puntland ayaa kulan kale la qaatay ra’iisulwasaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed waxayna ka wada hadleen arrimaha ka socda Puntland iyo sidii dowladda Jabuuti garab uga gaysan lahayd.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.