Gaas oo iyo saraakiil Ingiriis ah oo ku shiray Garowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaas oo iyo saraakiil Ingiriis ah oo ku shiray Garowe

Garowe – Mareeg.com: Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Garowe ku qaabilay wafdi sare oo ka socday safaaradda Britain ee Somalia.

Waxa wafdigaas horkcayay Mr. Grant Calder oo ay wehelinayeen Rebbeca Terzoon, Dave Mcfarland, Abdinasir Ogle iyo Michael Cox, waxana iskugu jireen la-taliyaal dhanka siyaasadda iyo saraakiil gaashaandhiga ah.

Kulanka waxa looga hadlay sidii Britain gacan uga siin lahayd Puntland xoojinta nabadgelyadda, kaalmooyinka bini’aadanimo, mashaariicda horumarineed, dimoqraadiyadda iyo sidii Britain u dedejin lahayd mashaariicda sanadkan la qorsheynayo in laga fuliyo Puntland.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahaceshay Britain dadaalka ay la garab taagantahay Puntland iyo weliba sida ay joogtadda uga qayb qaadato barnaamijyadda horumarineed.

Dhanka kale waxa uu xalay qaabilay Madaxweynaha Puntland wafdi ka socday hay’ adda FAO oo Puntland ka fulisa mashaariic la xiriirta xanaanada xoolaha, kaaluumeysiga iyo deegaanka.

Waxa hogaaminyay wafdiga madaxa FAO Somalia/Kenya Mr. Luca Alinovi, waxana ay warbixin ka siiyeen madaxweynaha mashaariicda ay fuliyeen kuwa ay wadaan iyo qorshayaasha soo socda.

FAO waxay balanqaaday sii wadida taageeradda ay Puntland siiso dhanka horumarinta xoolaha oo ugu wayn ilaha dhaqaalaha, kobcinta wacyigelinta kaluumeysiga iyo sidii gacan uga gaysan lahayd ilaalinta deegaanka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!