Gaas oo Garowe kula kulmay wakiilo ka socda Yurub iyo Qaramada Midoobay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaas oo Garowe kula kulmay wakiilo ka socda Yurub iyo Qaramada Midoobay

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland, Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay xubno socday Deeq bixiyayaasha caalamiga ah kuwaas oo kakala socdey Dalalka England, Sweden, Finland, Australia,  USA iyo Switzerland, kuwaas  oo ay  weheliyaan Hay’adaha  UN-ka  lashaqeeya sida, UNICEF, UNFPA, WHO iyo  FAO.

Deeq bixiyayaasha lyo Hay’adihii lasocdey maanta ayaa waxaa ay u yimaadeen inay xog warran kasiiyaan Madaxweynaha  Dawladda Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas Barnaamijyada ay maal geliyaan gaar ahaan barnaamij ay  Wasaaradda caafimaadku hormuud ka tahay hirgelintiisa, barnaamijkaas oo layidhaahdo Joint Health and Nutrition Problem (JHNP).

Barnaamijkaas oo noqon doona mid loogu talo galay horumarinta caafimaadka iyo quudinta hooyada iyo dhallaanka, waxaana uu kamid yahay qorshaha sannadka 2015-ka la qorshaynaya in laqabto ee lagu fuliyo Puntland.

Sidoo kale Deeq bixiyayaasha ayaa Madaxweynaha  Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas waxay warbixin ka siiyeen barnaamijkaas isaga ah ilamaa iyo hada meeshu marayo  iyo sidii loo horamarin lahaa mustaqbalka dhow.

Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas  ayaa dhankiisa waxaa uu tilmaamay kuna dhiirri geliyey Deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo Hay’adaha lashaqeeyaba inay gaadhsiiyaan adeeggooda iyo Mashaariicda ay fuliyaan Degaamada kabaxsan Laamiga.

Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa sheegay in Gobollada Sool iyo Sanaag ilgaara lagu eego sidookalena tibaaxay in ay Mahuraan tahay in reer Guuraaga iyo dadka xoola dhaqatada ah iyagana lagu daro qorshaha taakulaynta iyo adeegga mashaariicda loogu talagalay guud ahaan gobolada Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!