Gaas oo Gaalkacyo tagaya Maanta soona booqanayay dhawacyada Qarxa Galkaxyo

Read Time:30 Second

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugana dalka Etoobiya , ayaa Saaka kusoo wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas , ayaa dalka Ethiopia kala ka codsaday in loo qaadido dhaawacyada garaabka ah ee ku waxyeeloobay weeraradii Qaraxyada ahaa ee Shalay ka dhacay Gaalkacyo.

Dhaawacyada ayaa lagu qaadidoonaa diyaaradda madaxweyne Gaas keenaysa Magaalada Gaalkacyo, taasoo gayndoonta isbitaal milateri oo kuyaala dalka Ethoipia, kadib markii madaxweynaha Puntland uu kala hadlay dalka Ethiopia in dhaawacyada xaaladooda liidato dalka Ethoipia lagusoo daaweeyo.

Dhimashada weeraradii ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa gaaraya 31 qof, halka dhaawacuna marayo 60 in kabadan sida ay Saraakiisha Caafimaadka laga soo xigtay.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %