Mareeg.com:Waxaa shalay magaalada London ee dalka Britain ka furmay shir looga hadlayo maalgashiga wadamada Africa “The Globel African Investment Summit”, waxaana ka qeybgalay madaxweynayaal Afrikaan ah, halka maamulka Punland oo shikaas tegay.
Shirkan oo socon doona mudo laba maalmood ah kana dhacaya SAVOY HOTEL oo kuyaala badhtamada Magaalada London, ayaa waxaa shir gudoomiye ka ah Madaxweynahii hore ee Naigeria “Olusogun Obasango” .
Shirka ayaa waxaa furay wasiirkii hore ee Arimaha Dibada ee wadamada Britain William Huge oo hada ah Hogaamiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Britain.
William Huge oo khudbad dheer oo taariikhiya ka jeediyey goobtaasi ayaa waxaa uu siweyn uga hadlay fursada wayn ee maalgashiga ee Afrika ka jirta, isagoo si gaarana diirada usaaray Soomaaliya oo uu sheegay inay ka jirto fursad weyn oo dhinaca maalghashiga ah, welibana uu sheegay in ay muhiimad gaar ah leedahay ka soo qeyb galka ay Soomaaliya ka soo qeyb gashay shirkani oo ay Puntland u matelaysay Soomaaliya, goobtana uu u fadhiyo Madaxweyne Dr Cabduweli Maxamed Cali Gaas sidoo kale uu William Huge sheegay in xiligii uu ahaa wasiirka Arimaha Dibada ee wadamada Britain uu furay safaarada Wadamada Britain ee Soomaaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu khudbad ka jeedin doona shirkani, taas oo uu diirada ku saari doono qorshaha Maamulka Puntland ee dhinaca maalgadhiga Puntland iyo guud ahaanba Soomaliya oo isagu uu Metelayo.
Shirkan oo ay iyana kasoo qayb galeen Gancsatada waa weyn ee carigani Ingiriiska oo iyagu lahaa fikradii in shirkani la isugu yimaado ayaa waxaa la filayaa inay siweyn ugu tiiqtiiqsadaan ka hadalka sidii loo maarayn lahaa dhibaatooyinka dhaqaale ee ku habsaday Africa, iyo qaabka ugu sahlan ee Afrika lagu maal gashan karo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynayaashii kale ee Afrika ayaa waxaa qado sharaf u samaysay Boqorada Dalkani Ingiriiska “Queen Elizabeth” , qado sharaftaas oo ay ugu sameeyey Aqalka Boqorooyada ee Magaalada London. Shirkaan ayaa la filayaa in manta lasoo gebagebeeyo.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.