Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Itoobiya
Mareeg.com: Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u duulay dalka Itoobiya.
Wafdiga Gaas waxaa garoonka diyaarada Garowe kusii sagootiyey madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng C/xakiin C/laahi Cumar Camay, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Shacabka magaalada Garoowe.
Wafdiga Gaas waxaa ku waheliyo wasiirka wasaarada warfaafinta Puntland C/wali Xirsi Cabdulle Indha Guran iyo saraakiil ka mida ah madaxtooyada Puntland. Wafdiga ayaa casuumaad ka helay madaxda dalka Itoobiya.
Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas oo saxaafada kula hadlay garoonka ayaa si kooban uga hadlay safarkiisa Itoobiya “Maanta waxaan u dhoofayaa magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya oo aan ku maqnaan doono muddo saddex maalmood ah, waxaana u tagi doonaa howlo shaqo iyo weliba xoojinta xiriirka nagala dhaxeeye iyo weliba dhanka arrimaha amaanka’’ ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu xilka hayey waxa uu safaro kala duwan ugu tagay dalka Itoobiya.
Mareeg Media
Comments are closed.