Gaas iyo Camey oo raacay wadadii Faroole iyo Shire “Caasimadda in laga doodo ayay aheyd!” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaas iyo Camey oo raacay wadadii Faroole iyo Shire “Caasimadda in laga doodo ayay aheyd!”

Garowe – Mareeg.com: Hogaamiyaasha maamulka Puntland ee kala ah madaxweyne Gaasi iyo ku xigeenkiisa C/xakiim Camey ayaa raacay wadadii ay jeexeen labadii iyaga ka horreeyey ee ahaa madxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo ku xigeenkiisii C/samad Cali Shire, kuwaasoo xilka ka degay bishii Janaayo ee sanadkan 2014.

Gaas iyo Camey ayaa kadib 4 bilood oo ay xilka hayaan banaanka soo dhigay ineysan heshiis la aheyn dowladda Soomaaliya, waxey goobta keeneen qodobo ka badan 20 oo ka mid ah dastuurka Soomaaliya oo maamulkii uu hogaaminayey Faroole sheegi jiray in dowladda Soomaaliya wax ka badeshay.

Madaxweyne ku xigeenka xilligaan ee maamulka Puntland C/xakiim C/llaahi Camey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland uu taagan yahay halkii ay uga tageen C/raxmaan Faroole iyo C/samad Cali Shire.

“Khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka ah iyo Puntland waa halkiisii, waxaan leenahay madaxdii maamulka ayaa is badelay ee Puntland isma badelin” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiim Camey.

“Waxyaabaha la isku khilaafsanaa waxaa ka mid ah ilaa 20 qodob oo dastuurka wax laga badelay, waxaa ku jiray caasimadda, waxey aheyd in laga doodo caasimadda, hase ahaatee waxaa hadda muuqata in la ansaxsaday, arrintaasna ma aqbaleyno” ayuu sidoo kale yiri Camey.

Madaxda xilligaan ee maamulka Puntland ayaa caddeystay iney shaki gelinayaan in caasimadda Soomaaliya tahay Muqdisho, fekerikaas oo ahaa mid uu Faroole qabay, islamarkaana culeys uu xilligaas keenay aan dastuurka horay loogu xusin halka ay tahay caasimadda Soomaaliya.

Waxaa rumoobay hadal uu madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole jeediyey bartimihii bishii Janaayo ee sanadkan 2014, xilligaasoo isaga iyo ku xigeenkiisii C/samad Cali Shire ay xilka ku wareejinayeen labada iyaga badelay ee kala ah: madaxweyne maamul C/weli Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiim Camey.

Faroole ayaa xilligaas sheegay inuu ku wargelnayo dadkii isaga ncebaa inuu xilka la wareegay nin isga la mid ah “Haddii ay jireen dad aniga i necbaa oo doonayey inaan meesha ka baxo, nin ila mid ah ayaa yimde ogaada” ayuu yiri Faroole.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo ku xigeenkiisii C/samad Cali Shire ayaa dhaleeceyn jiray dowladda Federaalka Soomaaliya, waxeyna xilka ka tageen iyadoo aan wax xiriir ah kala dhaxeyn DF, raggii badelana jidkoodii ayay mareen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!