Gaas: DF waa iney cadeyso qaabka loo dhisayo maamulka Gobolada Dhexe

Read Time:1 Minute, 9 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waydiistay dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya iney cadeyso habka loo dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya ee ka kooban Galgaduud iyo Mudug.

“Ma dhaheyno maamul lama dhisan karo, laakiin waa in la cadeeyo marka laga hadlayo gobolka Mudug, Jariiban iyo Galdogub ma waxey ka mid yihiin dadka dhisanaya maamulka gobollada Dhexe?, haddii arrintu taas tahay waxey ka dhigan tahay in lagu xadgudbay Puntland” ayuu yiri Gaas oo la hadlay VOA.

Cabdiweli ayaa sheegay inaysan aqbali doonin deegaan ka tirsan Puntland in lugu biiriyo maamulka gobollada dhexe, “Waxaan u dhaartay waxaa ka mid ahaa inaan ilaaliyo dhulka Puntland, marka dowladdu waa iney cadeyso Mudug oo dhan miyaa maamulka ka mid ah mise Mudug barkiis?” ayauu sidoo kale yiri Gaas.

Wuxuu sheegay Gaas in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay ka wada hadli karaan wax kasta ee aan wax u dhimeyn Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Gaas ayaa ugu dambeyntii sheegay inuu rajeynayo in R/wasaare Cabdi Weli Sheekh dhawaan uu booqan doono Puntland ayana labada dhinac ka wada hadali arrimo badan oo la iksu khilaafsanaa, islamarkaana arrinta gobollada dhexe ka mid tahay.

Dhamaadkii bishii todobaad ee sanadkaan 2014 ayaa Muqdisho looga dhawaaqay maamul loo dhisayo gobollada dhexe, gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud, waxaana markaas Puntland ku dhawaaqday iney xiriirka u jartay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.