Mareeg.com: Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku sheegay in dadka kasoo horjeeda heshiiskii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ay kala saxiixdeen kuwa leh dan shaqsiyadeed.
C/wali Gaas ayaa wuxuu sheegay in dadka ka biyo diidsan heshiiskaasi ay yihiin kuwa leh ujeedo gaar ah, balse aan loo baahneyn in dadkaasi ay dhibaato ka dhex abuuraan Bulsho deegaan wada dagta.
Hogaamiyaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Puntland iyo dadka deriska la’ah maslaxadooda ay ku jirto inay si nabadgelyo ah kuwada noolaadaan.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay Puntland kamid tahay halka Koonfurtana ay tahay dhul ka tirsan Galmudug, dadka maamulka dhisanaya ay ku taageerayaan.
Wixii ka dambeeyay markii Puntland iyo dowladda Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiiskii Garoowe ka dhacay, waxaa soo baxayay diidmo laga muujinaayay heshiiskaasi oo ku aadan in Waqooyiga Gaalkacyo in Puntland ay kamid tahay.
Dastuurka dalka u yaalo ayaa waxaa ku qoran in maamul Goboleed ay sameysan karaan labo Gobol iyo wixii ka badan, balse Dastuurka kuma qorno in Gobol iyo Bar loo sameeyo maamul Goboleed.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.