Gaas "Alshabaab iyo Daacish waa isku mid, welwelna wey nagu hayaan" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaas “Alshabaab iyo Daacish waa isku mid, welwelna wey nagu hayaan”

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland Prof. Cabdiweli Cali Gaas oo waraysi gaar ah sii yey warbaahinta VOA, ayaa sheegay in ay wel-wel ka qabaan in Daacish saldhigyo ku yeelato Soomaaliya.

Madaxweynaha oo la weydiiyey sida uu arko in koox ka tirsan al-Shabaab in ay gudaha Puntland uga dhawaaqeen in ay ka mid noqdeen Daacish ayaa yiri:

-Waa jirtaa nin ku dhuumaaleysta buuraha Bari in uu sheegtay in ay ka mid noqdeen Daacish, Waxaan u aragnaa al-Shabaab iyo Daacish in ay isku mid yihiin,  isku hadaf yihiin, waase run wel-welkeeda ayey leedahay.

Gaas ayaa sheegay si al-Shabaab loo dabar jaro in loo baahan yahay fursad kale in la abuuro, oo Soomaaliya la mideeyo oo aan dalka la kala sheegan oo sidii waayo ahayd Soomaali ku soo noqoto.

Sida uu qabo Gaas, markii la helo midnimo Soomaliyeed ayaa dowladdu ka adkaan kartaa Alshabaab iyo Daacish.

Koox ka tirsaneyd al-Shabaab oo uu hoggaamiyo wadaad la yiraahdo Cabdulqaadir Cali Muumin oo ku sugan buuraha fog ee gobolka Bari ayaa sheegtey in ay bayco la galeen Abubkar Al-Baqadaadiga oo ah hoggaamiya Daacish.

Koox taas kasoo horjeeda oo taabacsan Alshabaab iyo Alqaacidda ayey bishii Janaayo 2016 kuwada dirireen buuraha fog ee gobolka Bari.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.