Gaas: Adeerkey Faroole Waxaan U Jawaabayaa Wixii Ka Dambeeya 8-da Janaayo

Read Time:44 Second

Baran, Mareeg.com: R/wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Gaas oo dhwaan dhaleeceyn kala kulmay madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo ku wada tartami doonaan danadka cusub xilka madaxweynaha ayaa sheegay inuusan u jawaabeyn Faroole ilaa ay ka dhaceyso doorashada 8-da bisha Janaayo.

Faroole oo shalay taageerayaasha kula hadlay degamada Bara nee gobolka Sanaag ayaa soo hadal qaaday dhaleeceyntii Faroole uga timid, wuxuuna yiri “Adeerekey Faroole warbuu sheegay, laakiin maanta loo jawaabi mayo, waxey inoo tahay 8-da bisha Janaayo”.

Faroole oo labo maalmood ka hor hadal ka jeediyey magaalada Garowe ayaa ku tilmaamay C/weli Gaas nin been sheega oo aan khibrad laheyn, islamnarkaana uu isagu sabab u ahaa inuu noqdo R/wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, Faroole ayaaa C/weli Gaas ku eedeeyey inuu Puntland lug gooyo ku hayey intuu uu hayey xilka R/wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %