DEG-DEG: Alshabaab oo dilay 25 ka mid ah booliska Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Alshabaab oo dilay 25 ka mid ah booliska Kenya

Mareeg.com: Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa Kenya, ee kala ah The Standard iyo Daily Nation, dabley hubeusan oo loo badinayo iney ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa shalay oo siniin ah 25 boolis ku dilay deegaanka Yumbis oo 45 meyl u jira magaalada Garissa ee xarrunta gobolka Woqoo Bari Kenya.

Booliskan ayaa la laayey kadib markii gaari ay la socdeen ay la qaraxday miino dhulka lagu aasay, sida ay qortay warbaahinta Kenya iyo tan Reer Galbeedka.

Sidoo kale, waxaa ragga Shabaabka weerar toos ah ku qaadeen gaadiidka kale ee ay wateen booliska Kenya, waxeyna halkaas ku gubeen 5 gaari oo boolis watay.

Afhayeen u hadlay booliska, oo lagu magacaabo Masoud Mwinyi ayaa xaqiijiyey inuu dhacay weerar lagu qaaday booliska Kenya oo marayey meel ka mid ah county-ga Gaarisa.

Dhanka kale, Afhayeenka howlgallada Alshabaab, C/Caziiz Abuu Muscab Idaacadda Andalus ee afka xarakadaas ku hadasha u  sheegay in ay dileen 20 katirsan ciidanka booliska Kenya islamarkaana ay gubeen 5 kamid ah gaadiidka dagaalka oo ciidanka lalaayay ay wateen.

“Ciidamada Mujaahidiintu weerar guulaystay ayay ku qaadeen ciidamada saliibiyiinta Kenya, khasaaraha dhimashada wuxuu ka badanyahay 20 askari, halka 5 gaari oo gaaladu wateen lagubay” ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab.

Alshabaab ayaa qaaday weerar lagu hoobtay oo bishii Aprli ee lasoo dhaafay ka dhacay Jaamacadda magaalada Gaarisa, waxaana halkaas lagu dilay 148 ruux oo u badnaa arday.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!