Gaari waxyaabo qarxa laga soo buuxiyey iyo raggii watay oo gacanta lagu dhigay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaari waxyaabo qarxa laga soo buuxiyey iyo raggii watay oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Gaariga ayaa lagu qabtay Kontorolka laga soo galo Magaalada Caabudwaaq, waxaana ay hadda ku socda Baaritaano kala duwan sida ay sheegayaan saraakiisha amaanka.

Shaqsiyaad la socday Gaariga la qabtay ayey sidoo kale gacanta ku dhigeen Ciidanka Galmudug ee jooga degmada Caabudwaaq, kuwaasoo baaritaano lagu hayo.

Saraakiisha Ciidanka Galmudug ayaa sheegay iney saacaddaha soo socda faahfaahin ka bixin doonaan gaariga sidday waxyaabaha Qarxa ee ay gacanta ku dhigeen.

Lama oga illaa hadda halka loo waday gaariga qaraxyada laga soo buuxiyey ee lagu qabtay Caabudwaaq, iyadoo arintan aad looga hadal hayo gudaha degmadaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.