Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo saakay lagu qabtay Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo saakay lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa saakay magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen gaari la sheegay in waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lana doonayay in lagu weeraro goob bartilmaameed ah.

Gaarigan oo ahaa uuca raaxada ayaa lagu qabtay agagaarka Isgooska Sayidka gaar ahaan goob ay fariistaan Ciidamada amaanka, lamana sheegin ilaa hada in ciidamada ay qabteen ruuxii watay gaarigaasi waxyaabaha qarxa ka buuxeen.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in gaarigan ay xogtiisa hayeen ayna ku daba jireen sidaasina ay ku qabteen, waxaana saakay la xiray qeybo kamid ah Laamiga Maka Al-mukarama iyadoona gaariga ay la wareegeen ciidamada miino baraista.

Shalay ayey aheed markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray xarunta Ciidamada Taraafikada ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada Taraafikada iyo dad shacab ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!