Gaari Siday Walxaha Qarxa Oo Maanta Lagu Qabtay Nawaaxiga Suuqa Bakaaraha

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa sida aan wararka ku heleyno.

Gaariga laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa la sheegay in lagu qabtay Nawaaxiga Suuqa Bakaaraha waxaana la sheegay in gaariga uu ku wajahnaa sida aan wararka ku heleyno dhanka wadada Makka Al-mukarrama.

Gaarigan waxaa ka cararay sida la sheegay Labo nin  oo watey, waxaana ay damacsanaayeen inay weeraro ka geestan Gudaha Magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Miina baarista Soomaaliya waxa ayna ku mashquulsanyihii  kala furista Miinada ku xiran gaariga.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia