Gaari Shacab oo lagu Qarxiyay Duleedka Afgooye
Waxaa lagu soo waramayaa in Gaari nuuca BL-ka oo la socdeen Rakaab Shacab ah lagula eegtay Qarax miino Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.
Gaarigan oo ka soo baxay Degaanka Cabdow Dibile ee Gobolka Sh.Hoose ayaa ku soo jeeday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Goobjooge ayaa sheegay in uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay Qaraxa.
Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.
Weerarkan ayaa imaanaya maalin un kadib markii sidan oo kale Shacab loogu qarxiyay Duleedka Degmada Bariire ee Gobolka Sh.Hoose.
Comments are closed.