Gaari saad u siday ciidamada Amisom ee gobollada dhexe oo lagu qarxiyey Guriceel

Guriceel – Mareeg.com: Gaari saad u siday ciidamada AMISOM ee ku sugan gobollada dhexe ayaa xalay lagu qarxiyey deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud, sida uu xaqiijiyey gudoomiyaha deegaankaas, Cusmaan Taardhuleed.

Hal qof ayaa ku dhintay qof kalena wuu ku dhaawacmay qaraxa miino ee gaarigaas lala beegsaday.

Taliyaha booliska ee deegaanka Guriceel Muuse Macallin Maxamed ayaa sheegay inay baarayaan sida ay wax u dhaceen, waxaana manta Guriceel laga sameeyey baadi doobka dadkii weerarkaas ka dambeeyey.

Gudoomiyaha deegaanka Guriceel, Cusmaan Taardhuleed ayaa sheegay in gaariga uu soo gaaray burbur, wuxuuna xusay iney ku raadjoogaan kooxdii qaraxaas geysatay.

Deegaanka Guriceel waxaa maamula ururka Ahlusuna Waljamaaca, waxaana sidoo kale degan ciidamo ka socda Itoobiya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245