Gaari qarax lagu raray oo laga raadinayo Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaari qarax lagu raray oo laga raadinayo Baydhabo

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya inuu maanta halkaas ka socdo hawlgal xoogan oo lagu raadinayo gaari la tilmaamay in laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo laamaha amaanku macluumaadkiisa heleen.

Boqolaal ka mid ah Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga, ayaa waxaa hawlgalkan ka wadaan Isgoysyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, C/fataax Maxamed Ibraahim (Geesey), ayaa wuxuu daboolka ka qaaday helayn xoggo muujinaaya in Alshabaab ay qorsheynayan weerar qarax ah oo ay ka geystaan Baydhabo.

Wasiirka waxa sidoo kale uu sheegay inay feejignaan ku jiraan Ciidamada Militariga, Nabad Suggida iyo Booliska, isla-markaana ay baarayan dadka iyo gaadiidka ku sugan Magaalada Baydhabo.

Alshabaab ayaa horay dhowr jeer Baydhabo uga geystay qaraxyo qaarkood loo adeegsaday gaadiid miineysan, waxaana ku dhintaya kuna dhaawacmay dad badan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!